Dacwad lagu soo oogay haweenay dab qabad-siisay hoteel karantiil

Image
Image
Ma jiro qof ku dhaawacmay. Hase ahaatee, wuxuu falkan abuuray xaalad khalkhal ah.

CANBERRA, Australia - Haweeney 31 jir ah oo ku nool dalka Australia ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta gubid kadib markii ay dab qabad-siisay qayb ka mid ah huteelka karantiilka ee Covid-19 ee ku yaal Cairns, Queensland.

Sida ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah, haweenayda ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay dab ku shiday sariir hoosteeda oo ku taalay qol ay la wadaagtay laba caruur ah subaxnimadii Axadda.

In ka badan 160 qof ayaa la daadgureeyay gudaha dhismaha iyadoo dabku uu qabsaday hoteelka Pacific oo ka kooban 11 dabaq. Ma jiro qof ku dhaawacmay.

Talaabadan ayaa waxay timid kadib markii Australiya xaqiijisay laba kiis oo ah nooca cusub ee safmareenka coronavirus-ka cusub kaas oo keenaya xannibaado cusub.

Omicron waxaa markii ugu horreysay soo warisay Koonfur Afrika, waxaana "walaac horleh" ku tilmaamtey Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) oo tibaaxdey in uu leeyahay caddeyn jeedinaysa khatar sare oo dib-u-qaadis ah.

Xukuumadda Canberra ayaa ku dhawaaqday inay hakisay duulimaadyadii ka iman jiray Koonfur Afrika, Namibia, Zimbabwe, Botswana, Lesotho, Eswatini, Seychelles, Malawi, iyo Mozambique.

Dadka aan Australian-ka ahayn ee ku sugnaa dalalkaas labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa hadda laga mamnuucay inay soo galaan Australia, sida ay ku warantay warbaahinta gudaha.

Australiyaanka ayaa 20 bilood ku hoos jiray qaar ka mid ah xeerarka ugu adag adduunka si ay uga fogaadaan Covid. Ma cadda soo ifbixida nooca cusub ee Covid-19 waxay kaga dhigan tahay in ay u bilaabatay maalmo madow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM