Dad badan oo ku nafwaayey qaraxyo ka dhacay Afghanistan

Image
Jalalabad waa caasimadda gobolka Nangarhar, oo ah xudunta ISKP fagaalo gacansaar la leh kooxda Daacish.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhimatay halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga Afqaanistaan ​​iyo caasimadda Kabul, sida ilo wareedyo Taliban ay u sheegeen Al Jazeera.

Khasaaraha ayaa yimid kadib markii qaraxyo la farsameeyay ay dhaceen Sabtidii, sida ay ilo -wareedyadu sheegeen.

Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya goobjoogayaal iyo ilo amni ayaa sheegay in dhimashadu ay ka dhalatay ugu yaraan afar qarax Sabtidii ka dhacday caasimadda gobolka Nangarhar.

Illaa hadda, ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weeraradan. Jalalabad waa caasimadda gobolka Nangarhar, oo ah xudunta ISKP fagaalo gacansaar la leh kooxda Daacish.

Ugu yaraan laba qof ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday baabuur wax yar ka hor duhurkii xaafadda Dasht-e-Barchi ee Kabul.

Kooxda Taliban ayaa xoog ku soo gashay Kabul bartamihii bishii Ogosto, iyagoo afgembiyey dowladda markii ciidamada caalamiga ah ee uu horkacayo Mareykanka ay dhameystireen ka bixitaankooda Afghanistan. Kooxdu waxay ballanqaadday inay amniga ku soo celinayso waddanka rabshaduhu ka socdaan.

Daad-gureynta horkacayey Mareykanku laguna qaadaayey shisheeyaha iyo Afgaanistaan ​​ee u shaqeynayay ciidamada caalamiga ah ayaa waxaa hareeyay weerar bambaano oo khasaare badan geystay oo ay sheegatay ISKP kaas oo ay ku dhinteen dad aad u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM