Dad ku dhintay daadad ku dhuftay Bangladesh iyo India

Image
Roobab aan kala joogsi lahayn oo da'ay usbuucii la soo dhaafay ayaa hareeyay dhul ballaaran.

NEW DELHI, India - Duufaannada Monsoon ee ku dhufatay dalalka Bangladesh iyo India ayaa waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan 41 qof iyada oo daadad xooggan ay go’doomiyeen malaayiin kale, sida ay saraakiishu sheegeen Sabtidii.

Daadadku waxay khatar joogto ah ku yihiin malaayiin qof oo ku nool dhulka hoose ee Bangladesh, laakiin khubaradu waxay sheegeen in isbeddelka cimiladu uu kordhinayo soo noqnoqda, dhibaatooyinka deegaanka.

Roobab aan kala joogsi lahayn oo da'ay usbuucii la soo dhaafay ayaa hareeyay dhul ballaaran oo waqooyi bari Bangladesh, iyadoo ciidamo la geeyay si ay u daadgureeyaan qoysaska go’doonka ku jira.

Iskuullada ayaa laga dhigay meelo lagu caawiyo oo la dejiyo dhammaan tuulooyinkii ay saacado gudahood ku fataheen webiyada oo si lama filaan ah qararka u jabsaday.

"Tuulada oo dhan waxaa soo galay biyo, dhammaanteenna waanu go'doonnay," Lokman, oo qoyskiisu ay ku nool yihiin tuulada Companiganj, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

“Ka dib markii aan maalin dhan ku sugay saqafka sare ee gurigayaga, qof daris ah ayaa nagu soo badbaadiyay doon macmal ah. Hooyaday waxa ay sheegtay in aanay waligeed arag daadad noocan oo kale ah nolosheeda oo dhan,” ayay tiri gabadhaan oo 23-jir ah.

Danabka ka dhashay duufaanada ayaa dilay ugu yaraan 21 qof guud ahaan dalka Koonfurta Aasiya tan iyo galabnimadii jimcaha, saraakiisha booliiska ayaa u sheegay AFP.

Dadkaas waxaa ka mid ahaa saddex carruur ah oo ay da'doodu u dhaxayso 12 ilaa 14 jir oo ay danab ku dhufatay Jimcihii magaalada Nandail ee miyiga ah, sida uu sheegay taliyaha booliiska deegaanka Mizanur Rahman.

Afar qof oo kale ayaa ku dhintay kadib markii dhul go’ uu ku dhacay guryahoodii buuraleyda ahaa ee ku yaal magaalada dekedda leh ee Chittagong, ayuu kormeeraha bilayska Nurul Islam u sheegay AFP.

Ugu yaraan 16 qof ayaa lagu dilay tan iyo khamiistii gobolka fog ee Meghalaya ee Hindiya, madaxa gobolka Conrad Sangma ayaa ku soo qoray Twitter-ka, ka dib markii uu dhul go’ay iyo wabiyada qarqiyay oo xiray wadooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM