Dad ku dhintey duqeyn cusub uu Ruushka ka geystay Ukraine

Image
Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo qoraal kooban soo saarey ayaa aad u cambaareeyay weerarkan.

KYIV, Ukraine - Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay weerar oo loo adeegsaday gantaal oo uu Ruushku ku qaaday magaalada Pokrovsk ee bariga Ukraine, sida ay saraakiishu sheegeen.

Afar qof oo rayid ah iyo sarkaal ayaa la dilay, waxaana ku dhaawacmay 31 qof, sida uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Ukraine, Ihor Klymenko.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo qoraal kooban soo saarey ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan "dhibanayaal" ku waxyeeloobay weerarka, balse ma uusan sheegin tirada.

Andriy Yermak, oo ah madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine, ayaa xusay in ugu yaraan laba qof oo rayid ah ay sidoo kale dhinteen ka dib markii bambooyinka uu hagayo Ruushka ay ku dhaceen "guri gaar ah" oo ku yaal Gobolka Kharkiv fiidnimadii Isniinta.

Pokrovsk waxay qiyaastii 70km (43 miles) waqooyi-galbeed kaga beegan tahay magaalada Donetsk, oo ay qabsadeen ciidamada Ruushka. Dagaalka ka hor waxa ku noolaa ku dhawaad ​​60,000 oo qof.

Weeraradan ayaa yimid maalin kadib markii “bam uu hagayey” Ruushku uu ku dhacay xarun dhiig lagu shubo oo ku taal waqooyi bari Ukraine, halkaas oo uu ku dilay laba qof, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Ukraine ayaa waxa ay isku dayaysay in ay dib u soo ceshato dhul uu Ruushku qabsaday balse waxa ay samaysay guulo yar tan iyo markii ay qaadeen weerar rogaal celis ah laba bilood ka hor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM