Dad ku geeriyoodey qarax ka dhacay masjid ku dhex-yaala wasaarad

Image
Qaraxan ayaa imaanaya kadib weerar ismiidaamin ah oo Jimcihii lagu dilay 53 qof oo ka dhacay xarun waxbarasho.

KABUL, Afgaanistaan - Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday masaajid ku dhex-yaalla xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Afgaanistaan ​​ee caasimada Kabul, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda.

Sidda laga soo xigtey afhayeenka oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah, waxaa ku dhintay falka aysan wali jirin koox dusha saaratay afar qof, 25 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan oo dhacay galabnimadii Arbacada maanta ah ayaa wuxuu dhacay iyadda oo ay shaqaalaha wasaaradda iyo dadka soo booqday ay ku tukanayeen gudaha masjidka.

Wasaaraddu waxay ku taal wadada weyn ee Kabul ee xigta garoonka caalamiga ah ee Kabul, waxayna ku taal xarunteeda tahay mid gaar ah oo ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Qarixii ugu dambeeyay ayaa imaanaya kadib weerar ismiidaamin ah oo Jimcihii lagu dilay 53 qof oo ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taal Kabul, oo ay ku jireen 46 gabdho iyo haween ah, sida ay sheegtey Qaramada Midoobay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qofka weerarka geystay uu isku qarxiyay qeybta haweenka ee fasalka lagu kala sooco jinsiga ee xaafadda Dasht-e-Barchi - oo ah deegaan ay ku nool yihiin bulshada Shiicada Hazara ee la dulmiyay.

Si kastaba ha ahaatee, ISIL, oo ​​Shiicada Muslimiinta u arka inay yihiin bidco, ayaa dhowr jeer isla deegaankaas ka fulisay weeraro lagu dilay gabdho, iskuulo iyo masaajid.

Kooxda Taalibaan ee talada haysa ayaa sheegtay in ay sugeen amniga dalka tan iyo markii ay la wareegeen 2021-ka kadib laba iyo toban sano oo kacdoon hubaysan ah. Balse weeraradda hubeysan ayaa wali soconaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM