Dad ku nafwaayey shil diyaaradeed oo ka dhacay Russia

Image
Diyaaradda waxaa laga leeyahay kalaab lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Menzelinsk, sida ay ku warrantay wakaaladda TASS.

MOSCOW, Russia - Ugu yaraan 16 qof ayaa geeriyootay lix kalena waxaa kasoo gaarey dhaawacyo ka gadaal markii diyaarad ay ku burburtay gobolka Tatarstan ee waddanka Ruushka, sida ay maanta sheegtay wakaaladda wararka ee RIA.

Diyaaradda oo ku soo dhacday meel u dhow magaalada Menzelinsky ayaa siday 20 baarashuutis iyo laba shaqaale ah. "Lix qof ayaa ku jira xaalad halis ah," ayay tiri Wasaaradda Caafimaadka. Shilka ayaa dhacay abaare 9:23 subaxnimo (06:23 GMT).

Diyaaradda ayaa ahayd Let L-410 Turbolet, taas oo ah diyaarad duusha masaafo gaaban oo matoor leh. Diyaaradda waxaa laga leeyahay kalaab lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Menzelinsk, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee TASS.

Baarashuutisteyaasha waxay aagga u adeegsadaan tababar duulimaad dhanka hawadda ah, sidda uu shaaca ka dhigay agaasimaha kooxda Ravil Nurmukhametov oo ay soo xigatay wakaalada wararka TASS.

"Xarunta Tababbarka ee Cosmonaut oo ay dowladdu maamusho ayaa hakisay xiriirkii ay la lahayd garoonkii lagu caweysin lahaa inta baaritaan lagu sameynayo," ayay intaas kusii dartey TASS.

Wakaaladda RIA ayaa soo xigatay mas’uuliyiinta maxalliga ah iyagoo sheegaya in mid ka mid ah matoorada uu fashilmi karo. Sawirro ay wasaaraddu daabacday ayaa muujinaya diyaaradda oo kala jabtay oo ay afka hore waxyeelo kasoo gaartey.

Bishii hore, diyaarad nooca Antonov An-26 oo gabow ah ayaa ku dhacday bariga fog ee Ruushka, waxaana ku dhintay lix qof. Dhammaan 28-kii qof ee saarnaa Antonov An-26 turboprop mataano ah ayaa ku dhintay shil ka dhacay Kamchatka bishii July.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM