Dadka Isticmaala Baraha Bulshada oo xaqiijiyay riyada 12-jir Falastiini ah oo ay dishay Israa’iil

Image

QASA (GO) - Dadka isticmaala Baraha Bulshada ayaa rumeeyay riyada 12-jirkii reer Falastiin Cawni Al-Dous, kaasoo ku dhintay duullaanka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen marinka Qasa.

Tirada dadka ku xiran Cawni Al-Dous ee barta “YouTube” ayaa kor u dhaaftay hal milyan maalmo gudahood.

YouTube-ka ayaa intaas ugu daray calaamadda caddaysa lahaanshaha, taas oo la ag dhigo magacyada.

Si weyn ayaa looga hadlay geerida wiilkan Falastiiniga ah ee ku dhintay isaga iyo tiro badan oo qoyskiisa ka mid ah duqeymaha Israa'iil.

Ka hor inta uusan dhiman tirada dadka ku xiran Cawni waxa ay ahaayeen dhowr kun oo kaliya.

Waxuuna waagaas sheegay riyadiisa ay tahay in uu gaaro 100,000, 500,000, ilaa hal milyan qof oo isaga ku xiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM