Dagaal laga cabsi qabo oo u dhaxeeya wadamo ku kala yaala Africa iyo Europe

Image
SAWIR HORE

NIAMEY, Niger - Milatariga Niger ayaa u hanjabay safiirka Faransiiska, Sylvain Eit, haddii uusan si degdeg ah uga bixin dalka.

Isagoo la hadlaya safiirka, ayuu yiri afhayeen u hadlay golah: “Yaa is moodaa marka aad diidayso inaad dalka ka baxdo?

Waxa uu intaas ku daray, "Dadkeennu waa inay u diyaar garoobaan inaysan seexan maalmaha soo socda."

Golaha militariga ee Niger ayaa u qabtay safiirka Faransiiska 48 saacadood inuu uga baxo Niamey, taasoo sii kordhineysa xiisadda u dhaxeysa madaxdii iyo Faransiiska.

Mas'uuliyiinta Niger ayaa go'aansaday inay ka laabtaan ansixinta aqoonsiga Danjire Sylvain ka dib markii uu iska diiday martiqaad ay u fisiyen si ay ula kulmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM