Dagaalka cusub ee ka dillaacay Bariga dhaxe oo tooshka ku ifiyay awoodda militari ee Iiraan

Image
Maxay yihiin noocyada hubka ee Iiraan haysto?

Muqdisho, Soomaaliya — Saan-saanta colaadeed ee ka dhax aloosan Iiraan iyo Israa'iil ayaa dib u soo nooleeysay doodda ka taagan inta ay la egtahay awoodda ciidanka Iiraan.

Horraantii bishan, Israa'iil ayaa weerar ku qaaday dhismo ku yaalla xarunta diblomaasiyadeed ee Iiraan ku leedahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, halkaas oo ay ku dhinteen toddoba ka mid ah saraakiisha sare ee ciidanka Iiraan iyo shaqaalaha milateriga.

Iiraan ayaa ku dhaaratay inay aargoosi sameyn doonto, waxayna qaaday weerar ballaaran oo cirka ah oo ka dhan ah Israa'iil laba toddobaad ka dib, iyadoo adeegsatay boqollaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ku wajahan gudaha Israa'iil iyo dhulka ay maamusho.

Haddaba, maxay tahay sababta xilligan loo hadal hayo awoodda ay leeyihiin ciidanka Iiraan?

Saraakiisha Israa'iil ayaa sheegay inay ka jawaabi doonaan weerar celis kasta oo ay Iiraan ku soo qaadaan, taasoo laga yaabo inay keento aargoosi dheeraad ah oo ka yimaada Iiraan islamarkaana suuragal ka dhigi karta in dagaalka Qasa isugu rogo dagaal goboleed oo ballaaran.

Waxaa xitaa jirta suurtagalnimo in dagaalka noocan ah uu soo jiito Mareykanka, in kasta oo Washington ay caddeysay inaysan wax shaqo ah ku lahayn weerarkii Dimishiq.

Falcelintii Iiraan ee weerarkaas ayaa ahayd mid si weyn loo dareemay maadaama ay adeegsatay boqollaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo. Waxay muujisay awoodda iyo diyaargarowga ciidankeeda inay si degdeg ah uga jawaabi karaan weerarrada, waxayna muujiyeen in ciidanka Iiraan ay yihiin mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan Bariga Dhexe.

Khabiirka ciidanka Iiraan, Afshon Ostovar, ayaa yiri, "Ciidanka Iiraan ayaa ka mid ah kuwa ugu awoodda badan Bariga Dhexe, iyagoo leh ugu yaraan 580,000 oo askari oo shaqeynaya iyo ku dhowaad 200,000 oo ah keyd tababaran oo u qaybsan ciidanka dhaqanka iyo Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in Ciidamada dhulka, cirka, iyo badda ee kala duwan ee Iiraan, oo ay ku jiraan Ciidamada Ilaalada, ayaa mas'uul ka ah amniga xuduudaha Iiraan.

Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka sida ayaa isku dubbarida laamaha kala duwan isla markaana dejiya istiraatiijiyadda guud. Sidoo kale, Ciidamada Ilaalada waxay maamulaan Ciidanka Quds, oo ah unug heer sare ah oo mas'uul ka ah hubeynta, tababarka, iyo taageerada shabakadda maleeshiyaadka wakiilka ah ee ku baahsan Bariga Dhexe, oo loo yaqaan "dhidibka iska caabinta.”

Maleeshiyaatkan waxaa ka mid ah Xisbullah ee Lubnaan, Xuutiyiinta Yemen, kooxaha maleeshiyada ah ee Suuriya iyo Ciraaq, iyo Xamaas iyo Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin ee ka howlgasha Qasa.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa ah Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan waana hoggaamiyaha ugu sarreeya, kaas oo go'aan ka gaara arrimaha waaweyn.

In kasta oo aan maleeshiyaadka wakiilka ah lagu tirin ciidamada qalabka sida ee Iiraan, falanqeeyayaashu waxay sheegaan in loo arko inay yihiin xoog goboleed oo xulufo ah diyaarna u ah dagaal, iyo in ay gacan ka geysan karaan difaaca Iiraan haddii weerar lagu soo qaado.

Fabian Hinz, oo ah khabiir ku takhasusay milatariga Iiraan oo ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Berlin, ayaa yiri, "Heerka taageerada ay Iiraan siisay kooxahaas waa mid aan horay loo arag hadii ay tahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallada ballistic-ga, iyo gantaallada cruise,"

Wuxuuna intaa ku daray in kooxahaas loo arki karo qayb ka mid ah awoodda milatari ee Iiraan, gaar ahaan Xisbullah oo leh xiriirka istiraatiijiyadeed ee ugu dhow Iiraan.

Maxay yihiin noocyada hubka ee Iiraan haysto?

Muddo tobanaan sano ah, istiraatiijiyada milatari ee Iiraan waxay ahayd mid ku saleysan ka-hortag, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta gantaallada ridada dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo difaacyada cirka.

Waxay dhisatay ciidan badeed oo ballaaran iyo doonyo yaryar oo gujisyo ah oo awood u leh inay carqaladeeyaan isu socodka maraakiibta iyo sahayda tamarta caalamiga ah ee mara Gacanka Carbeed iyo Marinka Hormuz.

Iiraan waxay leedahay mid ka mid ah keydadka ugu weyn ee gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay Mr. Ostovar.

Tan waxaa ka mid ah gantaallada cruise iyo kuwa ka hortagga maraakiibta, iyo sidoo kale gantaallada ballistic-ga oo leh masaafo dhan ilaa 2,000 kilomitir, ama wax ka badan 1,200 mayl, kuwaas oo awood u leh inay bartilmaameedsadaan goob kasta oo ku yaal Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan Israa'iil.

Sanadihii u dambeeyay, Tehran waxay isku aruursatay tiro badan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo awood u leh inay ka baxsadaan raadaarka, sida ay sheegeen saraakiisha Iiraan oo wareysiyo siiyay warbaahinta dowladda.

Iiraan waxay leedahay himilooyin ay ku doonayso inay noqoto suuq weyn oo dhoofiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxaana diyaaradahaas loo adeegsaday dagaalka ka socda Ukraine oo ay isticmaalayso Ruushka, waxayna ka soo muuqdeen colaadda ka jirta Suudaan.

Halkee Iiraan ka heshaa hubkeeda?

Cunaqabataynta caalamiga ah ayaa Iiraan ka go'doomiyay hubka iyo qalabka milatari ee casriga ah sida taangiyada iyo diyaaradaha dagaalka ee laga soo saaro dibadda.

Intii lagu jiray dagaalkii sideedda sano ee Iiraan kula jirtay Ciraaq 1980-meeyadii, waxaa yaraa dalalkii diyaarka u ahaa inay hub u iibiyaan Iiraan. Markii Ayatollah Khamenei noqday hoggaamiyaha sare ee Iiraan sanadkii 1989, hal sano kadib markii dagaalku dhammaaday, wuxuu amray Ciidamada Ilaalada inay dhisaan warshadaha hubka gudaha, waxaana dadaalkaas la geliyay Kharash badan.

Wuxuu doonayay in Iiraan mar dambe aanay ku tiirsanaan awoodaha shisheeye ee baahiyahaheeda difaaca. Maanta, Iiraan waxay si weyn u soo saartaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna mudnaanta siisay wax soo saarka hubka.

Waxay sidoo kale dhoofisaa gujisyada yaryar ee ka yimaada Kuuriyada Waqooyi iyadoo ballaarinaysa oo casriyeynaysa maraakiibteeda gujisyada ah ee gudaha lagu sameeyo.

Sidee dalalka kale u arkaan milatariga Iiraan, maxayse yihiin daciifnimadooda?

Milatariga Iiraan waxaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu xooggan gobolka marka laga eego qalabka, isku-duwidda, khibradda, iyo tayada shaqaalaha, hase yeeshee wuu ka dambeeyaa awoodda iyo casriyeynta ciidamada Mareykanka, Israa'iil, iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub, sida ay sheegeen khubaradu.

Daciifnimada ugu weyn ee Iiraan waa ciidanka cirka. Diyaarado badan oo dalka ka jira ayaa laga dhaxlay xilligii Shah Mohammed Reza Pahlavi, oo hogaaminayay Iiraan laga soo bilaabo 1941 ilaa 1979, waxaana jira kuwo badan oo aan shaqeynaynin madaama aan dayactir lagu sameyn.

Dalku wuxuu sidoo kale sagaashameeyadii soo iibsaday diyaarado yar oo Ruushka leeyahay, sida ay sheegeen khubaradu, halka Taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman ee Iiraan ay yihiin kuwoo duugoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM