Dagaalyahannada Xamaas oo wali ku sugan gudaha Israa’iil

Image

QASA - Warbaahinta Israa’iil ayaa daaha ka qaadday, Arbacadii, in qaar ka mid ah dagaalyahannada Xamaas ay weli "ku dhuumaalaysanayaan" dhulka Israa'iil, ka dib markii ay gudaha u galeen 7dii Oct,

Channel 13 ee Israel ayaa sheegay in ay jiraan tobanaan dagaalyahan oo Xamaas ka tirsan kuwaas oo wali dalka ku sugan.

Waxay intaas ku dartay: "Hay'adaha ammaanku waxay ku qiyaaseen in ugu yaraan 20 ka mid ah argagixisada Xamaas ay ku sugan yihiin gudaha dhulka Israa'iil."

"Qaar iyaga ka mid ah way dhuumanayaan, qaarna waxay hoy ka heleen dad gudaha u jooga”. Ayay raacisay.

Mareegta ABC News ee Mareykanka ayaa sidoo kale ka soo xigatay afhayeenka ciidamada difaaca Israel, Major Doron Spielman, isagoo leh: "Weli waxay ku dhuumaleysanayaan koonfurta Israa’iil."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM