Dawladda Jarmalka oo ansixisay sharci fududeynayo helitaanka jinsiyadda

Image
SAWIR HORE

BERLIN, Jarmalka - Dawladda Jarmalka ayaa Talaadada ansixisay sharci oo fududaynaya habraacyada lagu siinayo jinsiyadda dadka soogalootiga ah, loona ogolaanayo inay heystaan laba jinsiyadood.

Sida laga soo xigtay habraacyada cusub ee ay soo tebisay wakaaladda wararka ee Faransiiska, dhaqangelintooduna ay weli sugayso ansixinta baarlamaanka, helista jinsiyadda waxay suurtogal noqon doontaa degenaansho 5 sano ah ka dib halka ay hore u eheyd 8 sano.

Muwaadinima-doonka waxa uu baahan doonaa inuu caddeeyo inuusan ku tiirsanayn kaalmada dawladda, halka xaaladaha qaar laga reebi doono qodobkan, sida laga soo xigtay wakaaladda.

Waxayna wakaaladda wararka ee Jarmalku sheegtay in sharcigu u ogolaanayo dadka degen Jarmalka muddo 5 sano ah inay dalbadaan baasaboor Jarmal ah, waase haddii codsaduhu u hoggaansamo "qiyamka bulshada xorta ah".

Sidoo kale, waa in codsaduhu uu awoodi karo inuu maareeyo nolol maalmeedkiisa isagoon wax caawimaad ah ka helin dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM