Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Riyadh ku qaabilay Madaxweynaha Ukraine

Image
Kulankan ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee xiisadda Ukraine iyo Ruushka.

Riyadh (GO) - Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga ku qaabilay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Intii uu socday kulanka, waxaa dib u eegis lagu sameeyay dhinacyada xiriirka Sacuudiga iyo Ukraine, waxaana looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee xiisadda Ukraine iyo Ruushka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay sida ay Boqortooyadu u xiisaynayso una taageereyso dhammaan dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xalliyo dhibaatada, iyo dadaallad lagu doonayo in gacan looga geysto yareynta saameynta bini'aadinimo ee ka dhalatay.

Halka Madaxweynaha Ukraine uu mahadnaq ka muujiyey dedaalka ay Boqortooyada ka bixisay arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM