Dhimasho & dhaawac oo ka dhashay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Qasa

Image
Ciidamada Israa'iil ayaa bishii 5-aad sii wada weerarka ka dhanka ah marinka Qasa.

Qasa (GO) - Tiro falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay duqeymo ay Israa’iil u gaystay dhowr deegaan oo ku yaalla marinka Qasa.

Ilaha caafimaadka Qasa ayaa sheegay in ugu yaraan 7 muwaadin oo ay ku jiraan caruur iyo haween ay ku dhinteen, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, marka, ka dib duqeynta diyaaradaha Israel ay ku garaaceen Qoysas ku nool Khirbet Al-Adas, waqooyiga Rafah, ee koonfurta marinka Qasa.

Waxaa sidoo kale shalay Ciidamada Israa’iil ay duqeymo u geysteen guri ku yaal bartamaha marinka Qasa, halkaas oo ilo maxalli ah ay soo wariyeen in ugu yaraan 12 muwaadiniin ah ayaa ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Israa'iil ayaa bishii 5-aad sii wada hawlgalkooda millatari ee Marinka Qasa, iyagoo ay ku dhinteen in ka badan 30,410 oo qof, kuwaas oo intooda badan ay yihiin carruur iyo haween.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo looga digay inuu Beegsado Hogaamiyaha Cusub ee Iran

Jalali ayaa wareysi uu siiyay shabakadda warbaahinta Sputnik ku sheegay in shacabka Iran ay rabaan “aargoosi dhiig leh”.

  • Caalamka

    14-03-2026

  • 09:29AM

Garsoore Mareykan ah oo si Kumeel-gaar ah u Joojiyay Qorshaha Trump ku tarxiilayo Soomaalida

Dacwoodayaashu waxay ku doodeen in go’aanka maamulka uusan ku dhisnayn xaaladda amni iyo bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

  • Caalamka

    14-03-2026

  • 09:14AM