Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.4 oo ku dhuftay xeebaha Japan

Image
Hirar (Tsunami) oo gaarayay 1.2 mitir ay ku dhufteen Dekedda Wajima ee Ishikawa.

TOKYO (GO) - Wakaalada Wararka ee Japan ayaa sheegtay in dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.4 uu maanta ku dhuftay waqooyiga iyo bartamaha dalkaas, kaasoo sababay hirar tsunami ah oo aad u xoogan.

Wakaaladda saadaasha hawada ee Japan ayaa soo saartay digniin tsunami ah oo ku wajahan aagagga xeebaha ee Ishikawa, Niigata iyo Toyama ee ku yaal badda Japan dhanka jasiiradda Honshu.

Wakaalladda ayaa sheegtay in hirar gaarayay 1.2 mitir ay ku dhufteen Dekedda Wajima ee Ishikawa.

Ra'iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay in mas'uuliyiintu ay wali qiimeynayaan inta uu le'eg yahay khasaaraha, dadka deegaankana ay tahay in ay u diyaar garoobaan dhul-gariir kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM