Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.4 oo ku dhuftay xeebaha Japan

Image
Hirar (Tsunami) oo gaarayay 1.2 mitir ay ku dhufteen Dekedda Wajima ee Ishikawa.

TOKYO (GO) - Wakaalada Wararka ee Japan ayaa sheegtay in dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.4 uu maanta ku dhuftay waqooyiga iyo bartamaha dalkaas, kaasoo sababay hirar tsunami ah oo aad u xoogan.

Wakaaladda saadaasha hawada ee Japan ayaa soo saartay digniin tsunami ah oo ku wajahan aagagga xeebaha ee Ishikawa, Niigata iyo Toyama ee ku yaal badda Japan dhanka jasiiradda Honshu.

Wakaalladda ayaa sheegtay in hirar gaarayay 1.2 mitir ay ku dhufteen Dekedda Wajima ee Ishikawa.

Ra'iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay in mas'uuliyiintu ay wali qiimeynayaan inta uu le'eg yahay khasaaraha, dadka deegaankana ay tahay in ay u diyaar garoobaan dhul-gariir kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM