Dibadbax ka dhan ah Xukuumada Netanyahu oo laga dhigay Israa'iil

Image
Dibad-baxayaasha ayaa hareereeyay afaafka hore ee hoyga uu deggan yahay Netanyahu.

Tel Aviv (GO) - Tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka kuwaas oo dhigaya mudaaharaad ka dhan ah xukuumadda Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu, waxayna dalbadeen in la gaaro heshiis lagu soo celinayo maxaabiista lagu haysto marinka Qasa.

Dibad-baxayaasha ayaa hareereeyay afaafka hore ee hoyga uu Netanyahu ka deggan yahay waqooyiga dalkaasi, iyagoo dalbanaya in uu xilka iska casilo oo doorasho degdeg ah la qabto, taas oo keentay in booliisku ay soo farageliyaan oo ay xiraan 4 qof.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Israa’ill oo lagu magacaabo Yair Golan, ayaa ka codsaday dibadbaxayaasha inay hareereeyaan dhismaha baarlamaanka, isagoo ku tilmaamay dowladda hadda jirta inay tahay "mid guuldareysatay."

"Waa inaa ridnaa xukuumada oo aan qabano doorashooyin cusub”. ayuu yiri Golan, isagoo ku baaqaya in kumanaan qof oo ay waddooyinka isugu soo baxnaan maalin kasta."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM