Diblumaasiyiinta Mareykanka oo laga daad-gureeyay Suudaan

Image
Howlihii shaqo ee safaaradda Ameerikaanka ee Khartuum ayaa si ku meelgaar ah loo joojiyey.

WASHINGTON, United States of America - Madaxweyne Joe Biden oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa Sabtidii waxa uu ku dhawaaqay in diblumaasiyiinta dowladda Mareykanka laga soo daadgureeyay Suudaan.

"Maanta, amarradayda, millatariga Maraykanku waxa ay sameeyeen hawlgal ay Khartoum kaga soo saareen shaqaalaha dawladda Maraykanka," ayuu Biden ku yiri bayaanka kasoo baxay xafiiskiisa.

Qoraal kale oo uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa lagu caddeeyay in dhammaan shaqaalihii Maraykanka iyo qoysaskooda loo daabulay si ammaan ah.

Blinken oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si cad shaaca uga dhigay in gabi ahaanba hawlihii safaaradda Maraykanka ee Khartoum si ku meel gaar ah loo hakiyey.

In ka badan 100 ciidan si gaar ah u tababaran ayaa ka qayb qaatay daabulida diblumaasiyiinta. Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM].

Taliska AFRICOM ayaa si dhow waxaa ula shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, sidda uu sheegay Lloyd Austin, xoghayaha difaaca Mareykanka.

Go'aanka lagu daadgureynayo shaqaalaha Mareykanka ayaa yimid ka dib markii muddo toddobaad ah ay dagaalo culus ka socdeen magaala madaxda Suudaan ee Khartuum.

Isku-dhaca ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan, ama SAF, iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah, ama RSF. In ka badan 400 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen kuna dhaawacmeen kun ka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM