Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka dalka Australia oo burbrutey

Image
Diyaaradan ayaa markii ay soo dhaceysay waxa ay ku guda jirtey howlgal dhoolatus ah.

LONDON, United Kingdom - Australia ayaa joojisay dhoolatuska milatari ee ay la lahayd Mareykanka kadib markii ay burburtay diyaarad helicopter ah oo ay ku dhinteen afar ka tirsan ciidamadda cirka ee waddankan.

Wasiirka gaashaandhigga Richard Marles ayaa waxay shaaca ka dhigtey in diyaaraddan oo nooceedu ahaa MRH-90 ayna ku burburtay biyaha gobolka waqooyi bari ee Queensland.

Diyaaradan ayaa ka qeyb qaadaneysay Talisman Sabre, oo ah dhoolatus militari oo ay iska kaashanayaan Australia iyo Mareykanka oo ay ka qeyb qaadanayaan 13 wadan oo ay ku jiraan Japan, France iyo Germany iyo in ka badan 30,000 oo shaqaale ah.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, oo Australia kula jooga Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, si ay wada hadal ula yeeshaan, ayaa ammaanay ciidamadda diyaaradda ee maqan.

Australia waxay sameyneysaa dib u habeyntii ugu weyneyd ee ciidankeeda tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana ay diiradda saareysaa sidii ay u tayeyn lahayd howlgaladda iyo qalabka ay adeegsadeen ciidankeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM