Diyaarad gaar loo leeyahay ku dhul-burburtay xafiis

Image
Image
Image
Image
Duuliyuhu ayaa la sheegay in uu ahaa bilyaneerka reer Romania laguna magacaabo Dan Petrescu.

ROMA, Italy - Diyaarad qaas ah ayaa ku dul-burburtay xafiis faaruq ah oo ku yaala magaalada Milano ee woqooyiga waddanka Talyaaniga, waxaana ku dhintay dhammaan sideeddii qof ee saarnaa.

Diyaaradda oo ku sii jeeday jasiiradda Sardinia ayaa soo dhacdey kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Linate ee magaalada Milan, sida ay warisay saxaafadda.

Duuliyuhu wuxuu ahaa bilyaneerka reer Romania laguna magacaabo Dan Petrescu, oo 68 jir ahaa. Shilka ayaa gubay xayndaabkii xafiiska iyo dhowr baabuur oo taagnaa.

Shilku oo dowladda Talyaaniga ay uga falcelisay tacsi ay u dirtey eheladda dadka ku nafwaayey dhacdadan ayaa ka dhacay meel ka baxsan saldhigga metrooga ee magaalada.

Dadka ku dhaqan aagga ayaa maqlayay qarax markii ay isku dhaceen diyaaradda iyo dhismaha labada dabaq ah kaasoo xilligaas howla dayactir ballaaran ay ku socdeen.

Holac iyo qiiq ayaa cirka isku shareeray. Sidoo kale, waxaa burbur soo gaarey dhismeyaal ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen. Wali lama tiro kooban khasaaraha guud ahaan.

Ma jirto cid dhulka joogtay oo wax ku noqotay dhacdadan, sida ay warisay saxaafada. Maamulka garoonku waxay xuseen in ay rajeynayaan in ay baartaanka kusoo bandhigaan sababta soo riday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Belarus oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

Booqashadan waxay daba socotaa casuumaad uu Kim Jong Un u fidiyay Lukashenko bishii September ee sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-03-2026

  • 11:40AM

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM