Diyaarad Ruushka leeyahay oo ku burburtay nawaaxiga xadka Ukraine

Image
Warbaahinta taabacsan Moscow ayaa faafisay in baaritaan lagu bilaabay waxa sababay shilkan.

MOSCOW, Russia - Diyaarad dagaal oo nooceedu yahay Su-34 lagana leeyahay dalka Ruushka ayaa Sabtidii ku burburtay gobolka Bryansk ee koonfurta dalka Ukraine, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

“Diyaaradda Su-34 waxay ku burburtay meel u dhow xuduudka Ukraine, waa la ogaanayaa halka ay ku danbeyn doonaan dadkii la socday diyaaradda,” ayay tiri wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.

TASS ayaa waxa ay intaasi ku dartay in la baarayo sida ay wax u dhaceen. Masoo bandhigin khasaaraha guud ee illaa haatan ka dhashay falkan. Hase ahaatee, warbixino kala duwan ayaa lasoo warinayaa.

Horaantii isla Sabtidii shalay ahayd, diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee Helicopter ah oo Mi-8 ah ayaa sidoo kale waxay ku burburtay gobolka Bryansk, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan laba duuliye.

Ruushka iyo Ukraine ayaa waxaa muddo ka badan sanad waxaa dhex-taalla colaad adag oo galaafatay nolosha boqolaa kun oo ruux isla markaana ay hoygooda uga barakaceen malaayiin qof kale oo shacab ah.

Quwadaha caalamka ayaa la kala saftey dowladahan taasoo sii murjisay xal lagu soo afjari karay dagaalkan oo u muuqda waqti-xaadirkan in uu sii shidaal-qaadanayo isla markaana la isku-diyaarinayo guluf horleh.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa si aan dhuumasho lahayn waxay u taageereen Ukraine waxaana ay si joogto ah u siiyaan taageero maaliyadeed iyo mid hub taas oo Moscow ku kaliftey in ay dalal kale garab ka hesho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM