Diyaaradda Turkish Airlines oo magaca laga badalayo

Image
Xukuumadda Erdogan ayaa sheegtay Talaadadii in magaca "Turkiye" uu si wanaagsan u matalo dhaqanka iyo qiyamka Turkiga.

ANKARA, Turkey – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in diyaaradaha Turkiga uu magac ahaan u bedeli doono "Turkiye Hava Yolları" bedelkii "Turkish Airlines" taasoo qayb ka ah dadaalka loogu jiro in dalkiisa loogu yeero "Turkiye" halkii uu ka ahaan lahaa "Turkey".

Horaantii bishaan, Ankara ayaa warqad u dirtay Qaramada Midoobay, iyadoo si rasmi ah u diiwaan gelisay magaca dalkaas sida "Turkiye" - sida loo higaadinayo oo loogu dhawaaqo Turkiga. Dalku wuxuu isu magacaabay "Turkiye" 1923 ka dib markii lagu dhawaaqay madax-bannaanida.

Xukuumadda Erdogan ayaa sheegtay Talaadadii in magaca "Turkiye" uu si wanaagsan u matalo dhaqanka iyo qiyamka Turkiga. Dadka indha indheeya arrimahan ayaa sheegaya in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallo lagu doonayo in magaceeda laga saaro shimbirta, Turkiga.

"Turkiga hadda siima jiro karo. Waa "Turkiye",” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay dayax-gacmeed cusub oo isgaarsiineed.

Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Turkiye Hava Yolları waxa lagu qori doonaa diyaaradaheena halkii ay ka ahaan lahayd Turkish Airlines.”

"Hava Yolları" waa shirkad diyaaradeed oo Turkish ah.

Qaramada Midoobay iyo NATO waxay si rasmi ah u bilaabeen isticmaalka "Turkiye" halkii ay isticmaali lahaayeen "Turkiga." Qaar ka mid ah madaxda sare ee ajnabiga ah ee booqanaya Ankara ayaa iyaguna isbedel sameeyay.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa dalka ku tilmaamay "Turkiye" mar uu booqasho ku tagay Helsinki iyo Stockholm todobaadkan, si la mid ah madaxweynaha Finland Sauli Niinisto iyo ra'iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson.

Labada dal ayaa isku dayaya in ay ka gudbaan diidmada Turkiga ee ku aaddan in ay ku biiraan isbaheysiga milatariga.

Isbahaysiga NATO ahaan, Ankara waxay awood u leedahay inay xannibto dalabkooda xubinimada. Wadanku wuxuu ku eedeeyaa labada wadan ee Waqooyiga Yurub inay taageeraan kooxaha hubaysan ee Kurdiyiinta oo uu u arko "argagixiso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM