Donald Trump oo la go'aamiyey in dacwad lagu soo oogo

Image

WASHINGTON, USA - Guddiga baarista Congress-ka ee Janaayo 6 oo u xil saarnaa baarista weerarkii lagu qaaday  dhismaha Aqalka Baarlamaanka ee Capitol Hill ayaa soo saaray go’aankii si weyn aad loogu sugayay.

Natiijadda baaritaankooda ayaa waxay muujinaysaa in ay ku baaqeen in dacwad dambiyeed lagu soo oogo madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Guddigan oo ka kooban 6 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Dimoqoraadiga iyo 2 xildhibaan oo Jamhuuriga ah ayaa go’aamiyay in falkii bishii Janaayo lagu weeraray Aqalka Baarlamaanka uu ahaa mid sharci daro ah iyo fal dambiyeed, lana maxkamadeeyo Trump iyo dadkii la abaabulay falka.

Trump iyo taageerayaashiisa ayaa doonayay in la laalo natiijada doorashadii looga guuleystay, iyaga oo ku andacooday in doorashada lagu shubtay, taas oo aysan jirin wax caddayn ah oo loo hayo illaa maanta.

Wasaaradda Caddaalada ayay u taalaa in ay dacwadda furto ama ka baaqsato. Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyay in dacwad lagu soo oogo garyaqaan John Eastman oo alifay qorshe marin haboowsan oo la isugu dayayay in Trump kursiga loogu hayo iyada oo loo marayo dhanka sharciga.

Liz Cheney oo xubin ka ah guddiga, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegtay in dhammaan madaxweynayaashii soo maray Maraykanka ay ogolaadeen xil wareejin nabadeed "marka laga reebo hal qof" oo ay ula jeedday Trump.

Guddigan ayaa waraystay wax ka badan kun qof, waxa uu eegey oo akhriyay wax ka badan hal milyar oo dokumendiyo ah, isaga oo sidoo kale qabtay wax ka badan 10 dhagaysi dacwadeed oo dadweynaha ay si weyn u daawadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM