Dowladaha Islaamka: waa in Deg-deg loo joojiyo duqeynta Gaza

Image
Breaking News

Riyaad- Masuuliyiinta dowlada Islaamka oo maantadii hore shir uga furmay magaalada Riyaad ee caasimada boqortooyada Sucuudiga ayaa ku baaqay in deg-deg loo joojiyo Duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ka wado marinka Gaza.

Madax ka sooctay in ka badan 21 dal oo hadal jeedin sameeyay ayaa isku raacay in loo baahan yahay xabad joojin deg-deg ah isla markaana ay tahay in caalamku joojiyo duulaanka maraya maalintii 36aad ee Israel ay ka wado Gaza.

Walaaca laga qabo Gaza ayaa ah in Dawada iyo Cunadu ay go'aan maalmaha fooda inagu soo haya iyada Duqeymaha Israel ay saameeyeen Isbitaaladii iyo xarumihii Qaramada Midoobay.

Dhawaan ayay ahayd markii Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ay sheegtay in Duqeymaha Israel lagu dilay in ka badan 150 shaqaalaheeda kamid ahaa kuwaasi oo ka hawlgalayay gudaha marinka Gaza.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan tiradii ugu badnayd hogaamiyayaasha dalalka Islaamka ayaa indhaha lagu hayaa waxa ay ka badalaan xaaladda Gaza taasi oo ay ka deyrisay Qaramada Midoobay.

Duulaanki Xamaas ay ka gaysteen dhulka la haysto 07 Oct ayaa keenay in Israel ay ku qaado Duqeymo iyo weerar Dhulka ah marinka Gaza oo tan iyo 2007 ay gacanta ku haysay kooxda Xamaas kadib markii ay xoog kaga qabsadeen maamulka Falastiiniyiinta ee uu hogaamiyo, Maxamuud Cabaas.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM