Dowladaha Qatar iyo France oo 200-milyan ku taageeray Shacabka Falastiin

Image
Labada dal waxay carrabka ku adkeeyeen in ay kasoo horjeedaan in weerar lagu qaado magaalada Rafah.

Paris (GO) - Dowladaha Qatar iyo France ayaa 200 oo milyan oo dollar ku taageeray dadka Falastiin, waxayna bilaabeen barnaamij ay isaga kaashanayaan ururinta gargaarka bini'aadantinimo.

Qatar iyo France ayaa war qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen shalay, ku caddeeyay heerka uu gaarsiisan yahay iskaashigooda istiraatiijiyadeed, iyo diidmadooda ku aadan dilka lagu hayo shacabka Falastiin.

Labada dal waxay carrabka ku adkeeyeen "in ay kasoo horjeedaan in weerar lagu qaado magaalada Rafah (koonfurta marinka Qaza)," iyagoo ballan-qaaday inay bixinayaan "200 milyan oo doolar si ay u taageeraan Falastiiniyiinta."

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Paris ee dalka France, halkaas oo kula kulmay Ra’iisul wasaaraha dalkaas Emmanuel Macron.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM