Dowladda Bangladesh oo xayiraad ka qaadey Jamaat-e-Islami

Image
Go'aankan oo si weyn loosoo dhaweeyay ayaa waxaa la sheegay inuu isla markiiba dhaqan galay.

DHAKA, Bangladesh - Dowladda ku meel gaarka ah ee Bangladesh ayaa xayiraaddii ka qaaday xisbiga Jamaat-e-Islami iyo garabka ardayda ee Islami Chhatra Shibir.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa bayaan ay soo saartay Arbacada maanta, waxayna sheegtay in la waayay caddaymo muujinaya sababihii ka dambeeyay xayiraaddii hore, sida uu sheegay The Daily Star, oo ka mid ah wargeysyada ugu caansan Bangladesh.

Xayiraadda ayaa la qaaday "maadaama aysan jirin cadeymo gaar ah oo ku saabsan ku lug lahaanshaha Jamaacada, Shibir, iyo ururadooda hore ee falalka argagixisada.

Go'aanka ayaa isla markiiba dhaqan galaya.

Bishii la soo dhaafay, dalkan dhaca South Asia ayaa soo saaray amar waafaqsan sharciga la dagaalanka argagixisada ee 2009, kaasoo mamnuucaya dhammaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Jamaacada iyo Shibir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM