Dowladda Canada oo joojisay hubkii ay siin jirtay Israa’iil

Image
Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee lagu hayo Israa’iil.

Ottawa (GO) - Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay hubkii ay siin jirtay Israa’iil, ka dib hadal ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Canada Melanie Jolie.

Jolie ayaa sheegtay in dowladda dalkeeda ay joojin doonto hubka loo dhoofiyo Israa’iil, sababo la xiriira duulaanka ba’an oo ay ku hayso Qasa.

Wasiirka oo wareysi siisay wargeyska Star, ayaa ku sheegtay in Aqalka Baarlamaanka uu mooshin ka soo gudbiyay go’aankan kuna baaqay in aan la fulin go'aankan.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yisrael Katz ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay go’aanka Canada ay ku hakisay hubkii ay u dhoofin jirtay Israa’iil, isagoo sheegay in tallaabadani ay wiiqayso xaqa ay Israa’iil u leedahay is-difaaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM