Dowladda Canada oo joojisay hubkii ay siin jirtay Israa’iil

Image
Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee lagu hayo Israa’iil.

Ottawa (GO) - Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay hubkii ay siin jirtay Israa’iil, ka dib hadal ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Canada Melanie Jolie.

Jolie ayaa sheegtay in dowladda dalkeeda ay joojin doonto hubka loo dhoofiyo Israa’iil, sababo la xiriira duulaanka ba’an oo ay ku hayso Qasa.

Wasiirka oo wareysi siisay wargeyska Star, ayaa ku sheegtay in Aqalka Baarlamaanka uu mooshin ka soo gudbiyay go’aankan kuna baaqay in aan la fulin go'aankan.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yisrael Katz ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay go’aanka Canada ay ku hakisay hubkii ay u dhoofin jirtay Israa’iil, isagoo sheegay in tallaabadani ay wiiqayso xaqa ay Israa’iil u leedahay is-difaaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM