Dowladda Iran oo digniin culus u dirtay Israa’iil

Image
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa ka jawaabay hanjabaada maamulka Israa'iil.

Tehran (GO) - Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa Talaadadii xaqiijiyay in jawaabta dalkiisa ka bixin doono tillaabo kasta oo lagu bartilmaameedsanayo danaheeda ay noqon doonto mid adag.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Ali Bagheri Kani ayaa sidoo kale sheegay in waddankiisu uu dhowr ilbiriqsi gudahood kaga jawaabi doono weerar kasta oo uga yimaada Israel.

Waxa kale oo uu tixgeliyey in Israa’iiliyiintu ay gaysteen khalad istaraatijiyad ka dib markii ay duqeeyeen qunsuliyadda Iran ee Dimishiq bilowgii bishan April, taaso fursad u siisay Iraan inay tijaabiyaan awoodooda militari sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu darsay qorshaha uu kaga jawaabayo weerarkii, waxaana uu sameeyay dhowr xaaladood oo ku aadan sida ay jawaabtu noqon karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM