Dowladda Japan oo dib u bilawday maalgelinta hay’adda UNRWA

Image
Tokyo ayaa sanadkan ku dhawaad ​​$35 milyan u qoondeeysay hay’adda UNRWA

Tokyo (GO) - Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay dib u bilaabi doonto dhaqaalihii ay ku bixin jirtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA).

Dowladda Japan ayaa go’aansatay in hay’adda Qaramada Midoobay ay dajisay tillaabooyin ku habboon dib u habeynta hay’adda, taasoo jawaab u ah eedeymaha ku saabsan in qaar ka mid ah shaqaalaha UNRWA ay ku lug lahaayeen weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, taasoo keentay in Japan ay joojiso maalgelinta.

Tokyo ayaa ku dhawaad ​​$35 milyan u qoondeeysay hay’adda UNRWA, sida uu wariyaay mareegga "Jiji Press".

Waxay intaas ku dartay, "Xaaladda bini'aadantinimo ee Marinka Qasa ayaa sii xumaanaysa. Waa mas'uuliyadda dalkeenna inaan ka jawaabno dhibaatada annaga oo xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,"

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM