Dowladda Mareykanka oo Doonaysa in Shirkadaha Baabuurta ay Hub Sameeyaan
WASHINGTON - Saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa wada-hadallo kula jira madaxda shirkadaha ugu waaweyn ee baabuurta Mareykanka, sida General Motors iyo Ford Motor, si ay uga qayb qaataan soo saarista hubka iyo agabka kale ee militariga.
Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal, tallaabadan ayaa timid ka dib markii maamulka Trump uu muujiyay baahida loo qabo in shirkadaha rayidka ah ay qayb ka noqdaan silsiladda wax-soo-saarka difaaca dalka, iyadoo laga baqayo in shirkadaha hubka ee caadiga ah ay ku filnaan waayaan baahiyaha dagaallada socda.
Wada-hadalladan oo bilowday ka hor dagaalka ka dhanka ah Iiraan, ayaa sidoo kale khuseeya shirkadaha sida GE Aerospace iyo Oshkosh, waxaana ujeedku yahay in la arko sida degdega ah ee warshadaha baabuurta loogu beddeli karo kuwa soo saara taangiyada iyo qalabka kale ee culus, si la mid ah wixii dhacay xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Mareykanka ayaa xilligan wajahaya culeys weyn oo dhanka kaydka hubka ah, ka dib markii kaalmo weyn la siiyay Ukraine tan iyo 2022, iyo hubka joogtada ah ee loo dirayo Israa’iil intii uu socday dagaalka Gaza iyo kan gobolka ee hadda taagan.
Dhowaan, madaxweyne Trump ayaa codsaday in miisaaniyadda militariga la gaarsiiyo $1.5 trillion, isagoo xusay in shirkadaha difaaca ay ku heshiiyeen inay afar laabaan wax-soo-saarka hubka casriga ah.
Khubarada ayaa sheegaya in tallaabadan Pentagon-ku ay ka tarjumayso welwelka laga qabo yaraanta qaybaha muhiimka ah ee hubka iyo baahida loo qabo in la xoojiyo sahayda ka hor inta uusan dillaacin iska horimaad kale oo ka weyn midka hadda jira.
Si kastaba ha ahaatee, khubarada ka tirsan machadyada CSIS iyo Brookings ayaa xusay in shirkadaha baabuurta ay u baahan yihiin qandaraasyo dhowr sano ah iyo dammaanad dhaqaale oo sugan si ay u beddelaan qaabka ay hadda u shaqeeyaan.
GAROWE ONLINE