Dowladda oo fariin u dirtay dhalinyarada ay "qaldeen" Al-Shabaab

Image
Dhambaalkan ayaa kusoo aadaya xilli xukuumadda ay kordhisay ololaha ka dhanka ah maleyshiyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqdey "dhalinyaradda ay qaldeen" Al-Shabaab in ay isa soo dhiibaan, sidda ku xusan bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay "in aysan jirin waddo kale oo u furan da'yartan" haddii kale ay la kulmi doonan "kacdaanka shacabka".

Dhanka kale, bayaanka wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in shan kamid ah dagaalameyaasha Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidamadda ka fuliyeen Buuraha Camal ee gobolka Hiiraan.

"Ma jirto waddo aan ahayn inay isi soo dhiibaan oo u furan dhalinyarada ay argagixisadu qaldeen, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka darran ee Alshabaab," ayaa lagu yiri qoraalka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA 

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 5aad ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta Deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ku dilay shan dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga oo ku raad joogay firxadka maleeshiyaadka nafla caariga ah ee Alshabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobalka oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani si loo ciribtiro dhagar qabayaasha baxsadka ah ee lagu jabiyay dagaalka.

Ciidanka ayaa wali wada hawlgalo is daba joog ah si loo xaqiijiyo argagixisada arxanlaawayaasha ah in aanay helin goobo ay gabbaad ka dhigtaan.

Ma jirto waddo aan ahayn inay isi soo dhiibaan oo u furan dhalinyarada ay argagixisadu qaldeen, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka darran ee Alshabaab.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo dib u dhigay duqeymo lagu qorsheeyay xarumaha tamarta Iran

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Trump uu Sabtidii siiyay Iran 48 saacadood si ay dib ugu furto marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 12:55PM

Mareykanka oo Diyaariyay Qorshaha Duullaanka Dhulka ee Iran

Dhanka kale, kumanaan askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada badda ayaa loo dirayaa gobolka.

  • Caalamka

    22-03-2026

  • 07:39AM