Duqa-magaalada Lviv: hawo xiran ayaan u baahannahay

Image

LVIV,Ukrain - Duqa magaalada Lviv ee dhacda galbeedka dalkaasi Ukraine, taas oo xudun u ah barakacayaasha colaadda, ayaa la hadlay BBC-da.

In ka badan 200,000 oo barakacayaal ah ayaa yimaada magaalada Lviv. Magaaladan ayaa ah xarunta ugu weyn ee dadka ka soo baxsanaya dagaalka ka socda magaalooyinka kale ee dalkaas.

Duqa-magaalada; Andriy Sadovyi ayaa yiri, “mas’uuliyadeyda waa in aan ugu adeego sida ugu fiican bulshada.”

“weerarkii saaka waxuu ahaa mid naxdin leh” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Weerarka marka uu dhacaye, siyaasiyiinta iyo maayaradda Poland ayan shir kula jiray meel u jirta 20km (12.5 miles) xadka midowga Yurub”

Duqa-magaalada ayaa sheegay in uu u diray fariin adag oo ah in ay u baahan yihiin agab malatari, koofiyadaha ciidanka iyo jaakadaha ay xabadu Karin.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay u baahan yihiin kaalmo loo wada dhan yahay oo ah dhanka barakacayaasha iyo taakuleynta ciidamada Ukraine.

 “Lviv waxa ay la mid tahay magaalooyinka kale ee dalka, wayna adag tahay in la saadaaliyo halka uu noqon doono bartilmaameedka xiga,” ayuu ku jawaabay mar wax laga weydiiyay in magaaladu tahay bartilmaameed gaar ah maadaama ay u dhawdahay gaashaanbuurta Nato.:

Waxa uu fariin u diray gaashaanbuurta Nato, madaama uu dagaalka usoo dhawaaday xuduuda Midowga Yurub, waxuuna yiri:

“Waxaan u baahannahay maanta waa hawo xiran, agab malatari iyo in aan qaadano go’aan, barito gantaalada Ruushka waxa gaari doonaan Midowga Yurub.”

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM