Duuliye waday diyaarad kusii jeeda Istanbul oo hawada ku geeriyooday

Image
Diyaaradda oo ka duushay magaalada Seattle ee Mareykanka fiidnimadii Talaadada ayaa u jeeday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa si deg deg ah uga dagtay magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay markii uu geeryooday duuliyihii waday, xilli bartamaha looga jiray duulimaadka diyaarada.

Diyaaradda oo ka duushay magaalada Seattle ee Mareykanka fiidnimadii Talaadada ayaa u jeeday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Duulimaadka oo sumadiisu ahayd TK204 aya waxaa sii waday duuliye kale iyo kaaliyaha duuliyaha kuwaasoo go'aansaday in ay si degdeg ah u degaan, laakiin wuu dhintay ka hor inta uusan soo degin".

Duuliye 59-sano jir ah oo u shaqeynayay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines tan iyo 2007-dii, ayaa ku guuleystay baaritaan caafimaad bishii March, kaasoo aan muujinin wax dhibaato caafimaad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Dhimaya 20% Tirada Jeneraalada Sare ee Ciidamada Mareykanka

Hegseth oo muuqaal soo dhigay barta X (horey Twitter) ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ee uu ugu magac daray.

  • Caalamka

    06-05-2025

  • 07:33AM

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda: Madaxweyne La Hadlay Warfidiyeeno Muddo 15 Saacadood ah

Shirka jaraa’id oo aan caadiga ahayn ayaa lagu beegay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda…

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 11:31PM