Ebrahim Raisi: Madaxwaynihii lagu naaneesayay “Kawaanlaha”

Image
Madaxweynaha Iran iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

TEHRAN, Iiraan - Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

Kooxaha gurmadka iyo badbaadinta oo gaaray goobta shilka helikobtarka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee IRINN iyo wakaaladda wararka ee Mehr.

Taariikhda Ebrahim Raisi

- Ebrahim Raisi, madaxweyne ilaa Agoosto, 2021.

- Wuxuu ku guuleystey 62.9% codadkii doorashada madaxtinimada 2021, naqdiyeyaashu waxay su'aal galiyaan cadaaladda codbixinta.

- Waxaa loo arkayay nin mayal adag oo xulafo la ah Hogaamiyaha Sare ee Ali Khamenei.

- Waxaa loo arkayay inuu yahay beddelka suurtagalka ah ee Khamenei oo ah Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan.

- Dadka dhaleeceeya waxay ugu yeeraan 'Kawaanlihii Tehraan' sababo ku aadan doorkii uu ku lahaa dilka maxaabiista siyaasadeed ee dabayaaqadii 80-meeyadii isaga oo qayb ka ah doorka guddiga dacwad oogista.

- Waxaa ku dhintay shil diyaaradeed oo uu la socday wasiirkiisii ​​arrimaha dibadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM