ECOWAS oo cunaqabateyntii dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ka qaaday dalka Niger

Image
ECOWAS ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay dalka Niger tan iyo markii uu dhacay afgambiga.

ABUJA (GO) - Ururka ECOWAS ayaa maanta ka qaaday dalka Niger cunaqabateyntii dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee saarneyd, taasi oo looga dan lahaa in lagu joojiyo afgambiga dalkaasi ka dhacay sanadkii hore.

Madaxa ECOWAS, Cumar Aliu Touray, ayaa sheegay in cunaqabateynta laga qaadi doono Niger si degdeg ah, isagoo ku macneeyay in dib loo furi doono xuduudaha iyo hawada, ka dib shirka ururka ay ku yeesheen caasimadda Nigeria ee Abuja.

Touray ayaa u sheegay warfidiyeenka in cunaqabateynta laga qaaday Niger ay ku timid “sababo bini’aadantinimo oo kaliya” si loo yareeyo dhibaatada dalkasa ka taagan.

Waxa uu intaa ku daray: "Waxaa jira cunaqabatayn lagu beegsanayo shakhsiyaad hormuud u ahaa agabiga iyo sidoo kale cunaqabatayn siyaasadeed oo weli socota."

ECOWAS ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay dalka Niger tan iyo markii uu dhacay afgambigii sababay in xilka laga tuuro madaxweynihii la doortay ee dalkaas, Maxamed Bazoum, bishii July ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM