Elon Musk oo booqday goobaha ay XMS weerareen 7dii October

Image

WASHINGTON (GO) - Bilyaneer-ka Mareykan-ka ah Elon Musk ayaa Maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, waxayna kormeereen goobihii ay weerareen Xamaas 7-dii October.

Musk, oo ah milkiiliha mdasha "X" ayaa sidoo kale la qorsheeyay inuu la kulmo madaxweynaha Israel Isaac Herzog.

Dowladda Israa'iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in ay mabda'a ahaan kula heshiisay Musk inay isticmaasho adeegga isgaarsiinta ee "Starlink", oo ay bixiso shirkadda "SpaceX" ee uu leeyahay.

Eedeymaha Yahuud nacaybka ayaa loo jeedinayay Musk dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, ka dib markii qoraallo lagu taageerayo Hitler iyo Naasiyiinta ay ka soo muuqdeen Madasha "X".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM