Elon Musk oo Israa’iil kula kulmi doono Netanyahu

Image

TEL AVIV (GO) - Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa xaqiijiyay in uu maanta la kulmi doono bilyaneerka Maraykanka ah ee iska leh barta xidhiidhka bulshada ee “X” Elon Musk.

Herzog wuxuu sheegay in kulankan lagu gorfeyn doono baahida loo qabo la dagaalanka kororka Yahuud nacaybka.

Madaxweynaha Israa’iil ayaa intaa ku daray in wakiilo ka socda qoysaska maxaabiista ay heystaan Xamaas ay ka soo qaybgeli doonaan kulanka.

Telefishinka Channel 12 ee Israel ayaa Axadii sheegay in Musk uu sidoo kale la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Kulankan ayaa imaanaya xili kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen Musk inuu bartiisa bulshada ku kordhiyey nacaybka ka dhanka ah Yuhuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM