Elon Musk oo jawaab ka bixiyay martiqaadkii XMS ee booqashada Qasa

Image
Musk ayaa diiday martiqaadkan, isaga oo u sababeeyay ammaan darro.

QASA (GO) - Maalqabeenka Maraykanka ah ahna mulkiilaha Madasha X, Elon Musk, ayaa ka jawaabay martiqaadkii Xamaas inuu booqdo marinka Qasa ka dib booqashadiisa Israel.

Musk ayaa qoraal oo soo dhigay bartiisa ‘X’ ku sheegay: ”Xaaladdu waxay hadda u muuqataa mid khatar ah, laakiin waxaan aaminsanahay in barwaaqada Qasa ee muddada dheer ay faa’iido inoogu jiri doonto dhamaanteena”.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa ku casuumay maalqabeenka Mareykanka inuu booqdo marinka Qasa si uu u arko heerka uu gaarsiisan yahay burburka ka dhashay duqeynta Israel.

Musk ayaa Shalay oo Isniin ahayd booqday goobihii ay Xamaas weerartay gudaha Israa’iil, wuxuuna ku dhawaaqay in ay ka go’an tahay in uu sameeyo wax kasta oo lagama maarmaanka u ah joojinta fiditaanka nacaybka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM