Elon Musk oo markii dambe raalli gelin siiyay Yahuuda

Image
Musk ayaa soo dhigay bartiisa ‘X’ qoraallo loo arkay Yahuud-nacayb.

WASHINGTON (GO) - Maalqabeenka Maraykanka ah ee Elon Musk ayaa Yuhuuda ka raali galiyay qoraalkii uu soo dhigay bartiisa ‘X’ kaas oo lagu tilmaamay in uu xambaarsanyahay Yahuud-nacayb, xilli uu u waramayay wargeyska “The New York Times”.

Elon ayaa xaqiijiyay in go’aankan uu yahay kii ugu doqonnimada badnaa noloshiisa, isagoo carabka ku adkeeyay inuu ka xun yahay waxa uu sameeyay, isla markaana uu taageersan yahay Yuhuuda.

Qoraalkan ayaa sabab u ahaa in qaar ka mid ah shirkadaha caalamiga ah ay joojiyaan in badeecadahoodii ku xayeysiiyaan barta “X” oo Musk leeyahay, taasoo oo ka dhalatay khasaare baahsan.

Intii uu kulanka socday ayuu Elon Musk aflagaadeeyay shirkadahan, isaga oo sheegay in aanu doonayn xayaysiintooda, taasoo hadal hayn aad u weyn ka dhalisay baraha bulshada.

Elon Musk ayaa dhawaan booqasho ku tagay Israa'iil, wuxuuna halkaas kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha dalkaas Benjamin Netanyahu, wuxuuna sidoo kale soo arkay goobihii ay Xamaas weerartay 7-dii October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM