Emmanuel Macron oo si kulul uga hadlay xariga safiirka Faransiiska ee Niger

Image

PARIS, France - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in safiirka Faransiiska u fadhiya Niger uu gacanta ugu jiro ciidamada militariga ee dalkaas xukumaya tan iyo afgambigii qabsoomay dabayaaqadii bishii Luulyo.

Milateriga Niger ayaa ku amray safiirka Faransiiska inuu dalka ka baxo dhamaadkii bishii Agoosto ee la soo dhaafay, ka dib markii Paris ay diiday inay u hogaansanto amarada ciidamada.

Tan iyo markaas, Faransiisku wuxuu ka soo horjeeday bixitaanka Safiirka, iyaga oo cuskaneya in dawladda uu militarigu dhisay aysan haysan sharci ay dalka uga ereyso danjiraha.

Macron ayaa xaqiijiyay Axadii in dib u gurashada ciidamada Faransiiska ee Niger ay ku dhici doonto oo kaliya codsi ka yimaado madaxweyne Bazoum. Faransiiska ayaa wali Bazoum u arkaa madaxweynaha sharciga ah ee Niger.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM