Erdogan iyo xaaskiisa oo laga helay safmarka Covid-19

Image
Turkiga ayaa diiwaangeliyay ilaa 12 milyan oo kiis oo ah Covid-19 iyo ku dhawaad ​​90,000 oo dhimasho ah

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa laga helay cudurka Covid-19, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah oo soo xigatay illo aad ugu dhow Madaxtooyadda dalkaas.

Waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Sabtidii: "Maanta aniga iyo xaaskayga waxaan iska baarnay cudurka 'Covid-19'. Allaa mahad leh, waxaan la kulannay astaamo yar oo ah nooca Omicron".

“Waxaan ku jirnaa karantiil. Waxaan sii wadi doonaa in aan guriga ku shaqayno. Ducadiina waan rajaynaynaa," ayuu ku daray. Madaxweynaha Turkiga ayaa qaatay talaalka saddexaad bishii June ee sanadkii hore.

Edogan oo 67 jir ah, ayaa fariintan soo diray kadib markii uu qaab maqal iyo muuqaal ah kaga qeybgalay xaflad lagu furayay tunnel oo ka dhacday Istanbul, wallow falkaas loo aaneeyay cimilada oo xumaatay.

Intii uu waday hadal-jeedinta, Erdoğan ayaan muujin wax calaamado la xiriira in uu qabo wax xanuun ah. Shaacintan ayaa lama filaan waxay ku noqotay qayb kamid ah bulshadda Turkida.

Turkiga ayaa diiwaangeliyay ilaa 12 milyan oo kiis oo ah Covid-19 iyo ku dhawaad ​​90,000 oo dhimasho ah tan iyo bilowgii masiibadan ay Qaramada Midoobay saadaalisay in ay sii jireyso.

Turkiga wuxuu dadka uga baahan yahay inay is-karantiilaan muddo toddobo maalmood ah haddii laga helo cudurka. Si kastaba ha ahaatee, haddii laga waayo maalinta shanaad, way ka bixi karaan karantiilka guriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM