Erdoğan oo la sheegay in uu shirqool dil ka badbaadey

Image
Dhawaqan ayaa ka dambeeyay markii qarax laga helay gaariga sarkaal boolis.

ANKARA, Turkey - Booliska Turkiga ayaa gaari hoostiisa ka helay walxaha qarxa. Baabuurka waxaa lahaa sarkaal booliis oo kamid ahaa ilaaladda isu soo baxa Sabtidii uu xaadiri lahaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Sida ay sheegtay telefishinka TRT Haber oo ay dowladdu maamusho, falkan waxaa lala damacsanaa in lagu beegsado Erdoğan waxaana uu yahay "isku day shirqool dil oo dhicisoobay".

Gaariga gaarka ah ee sarkaalka ayaa laga helay Mardin, oo ah gobolka koonfur bari oo 125 mayl (200 kiiloomitir) u jira goobta isu soo bax lagu qabtay Siirt, sida ay sheegtay warbaahinta.

Walxaha qarxa ayaa la helay ka hor inta uusan askariga booliisku u safrin Siirt, waxaana ka hortagay kooxaha bambooyinka, sidda laga soo xigtey warbixinta ay faafisay xukuumadda Ankara.

"Sida ay sii kordhayaan guuldarrooyinka ururka argagixisadu, yaa garanaya waxa dheeraad ah, maxaa qiraal ah, maxaa khiyaano ah, noocee ah waxa la ogaan doono," ayuu Erdogan ka sheegay isu soo baxa.

Erdoğan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux-sadey in Turkiga uusan marnaba u dhutin doonin wax uu ugu yeeray cadowgiisa isla markaana ay ka go'an tahay in uu "si adag uga adkaado".

Turkiga ayaa ku dhawaad ​​afartan sano kula dagaalamayey xisbiga shaqaalaha Kurdistan, ama PKK, koonfur bari Turkiga. Kooxdan waxaa aad loola xiriiriyaa dowladda Iiraan. Hase ahaatee, Tehran way iska fogaysaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM