Erdogan oo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ku tilmaamay "Kawaanlaha Gaza"

Image
Yahuuda ayaa weerar cir iyo dhul ah oo aan kala joogsi lahayn ku waday Qaza tan iyo 7-dii October.

ANKARA, Turkey - Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, waa in uu wajaho dacwad ah in uu yahay "dambiile dagaal", ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isaga oo ku qeexay "Kawaanlihii Qaza".

“Ma ogolaanayno in la iloobo arrinta ku saabsan in Israa’iil haysato hubka Nukliyeerka,” ayuu Erdogan ku yiri hadal uu Isniinta maanta ah ka jeediyay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Istanbul.

"Israa'iil kaliya maahan gacan ku dhiigle balse sidoo kale waa tuug" ayuu raaciyay Erdogan oo intaas ku daray "Ma ogolaan karno in Israa'iil ay mar kale qabsato Gaza."

"Waxaa jira qaab-dhismeed caalami ah oo ku shaqeeya rabitaanka dalal dhowr ah, Qaramada Midoobay qaab dhismeedka musuqmaasuqa wuxuu u baahan yahay inuu isbedelo," ayuu tibaaxay.

Ciidamada Israa'iil ayaa dib u bilaabay duqeymaha ay ka geysanayaan Gaza subaxnimadii hore ee Jimcaha todobaadkii hore kadib markii ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen hakinta bini'aadantinimo ee muddo toddobaad ah.

Israa’iil ayaa weerar cir iyo dhul ah oo aan kala joogsi lahayn ku qaaday Qaza ka dib weerar xuduudeed oo ay qaadeen kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas 7-dii Oktoobar.

Tirada dhimashada weerarrada Israel ee Gaza ayaa kor u dhaaftay 15,523 tan iyo markii ay bilowdeen iska-horimaadka 7-dii Oktoobar, Wasaaradda Caafimaadka ee go'doominta Falastiin ayaa ku dhawaaqday Axaddii todobaadkan aan ku jirno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM