Erdogan oo sheegay sababta dhabta ah ee ka danbeysa in Jarmalku uu taageero Israel

Image

QASA (GO) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa oo booqasho ku tagay Berlin ayaa tilmaamay in sababta Jarmalka uu Israa’iil ku taageerayo dagaalka Qasa ay tahay in ay hore xasuuq ugu geysteyn.

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu awood u leeyahay in uu si aan eex lahayn u hadlo maadaama ay wax dhib ah hore ugu geysan Yahuudda.

Waxa uu sidoo kale sheegay:

“Dagaalka Israa’iil iyo Falastiin waa in aan lagu qiimeyn qaladaad hore loo galay, waxaan u hadlaa si xor ah sababtoo ah wax deyn ah naguma laha Israa’iil.”

Madaxtooyada Turkiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay: “Erdogan waxa uu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in la joojiyo weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiin”

Erdogan ayaa horraantii todobaadkan sheegay in Israa’iil ay tahay “dal argagixiso” oo dambiyo dagaal ka gaysanaysa Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM