Erdogan oo shuruud ku xiray aqbalaada codsiga xubinnimada Sweden ee NATO

Image
SAWIR HORE

ANKARA, Turkiga - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dib u soo nooleeyay rajada laga qabo in Sweden ay xubin ka noqoto gaashaanbuurta NATO ee Waqooyiga Atlantic, kadib markii uu ka hadlay suurtagalnimada in Ankara ay bedesho mowqifkeeda ku aadan codsiga.

War saxaafadeed uu soo saaray kadib marka oo ka soo laabtay booqashadiisa Hungary Isniintii, ayuu Erdogan isku xiray ansixinta dalkiisa ee xubinnimada Sweden iyo sii wadida wax uu ku tilmaamay weerarada ka dhanka ah xurmada Islaamka ee Sweden.

Erdogan oo la hadlay Channelka “TRT” ee laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa sheegay in uu ka tabanaayo Sweden laba arrin oo muhiim ah: Dhacdooyinka soo noqnoqda ee lagu gubo Qur’aanka, iyo dibadbaxyada ay dhigaan taageerayaasha xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo Ankara ay u aqoonsan tahay urur argagixiso.

Sweden ayaa doonaysaa xubinnimada NATO si ay uga ilaaliso dhulkeeda weerar kasta oo suurtagal ah oo Ruushku soo qaado.

Shuruudaha lagu aqbali karo xubinnimada dal cusub ee NATO, waxaa ka mid ah in wadarogol loo ansixiyo codsigiisa, waxaana weli aqbalin codisga Sweden dalalka Turkiga iyo Hungary.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM