Erdogan oo si diiradda loogu soo dhaweeyay Qatar

Image

DOHA - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar, isaga oo la kulmay Amiirka dalkaas, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxa ayna ka wadahadleen xiriirka Istiraatiijiga ah ee labada dal, iyo sidii loo horumarin lahaa.

Booqashada Erdogan ayaa ku soo beegantay sannad-guuradii 50-aad ee ka soo wareegtay aasaaska xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, iyadoo sanadkan 2023-ka uu ku beegan yahay sanad-guuradii 100aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga.

Socdaalkan ayaa ujeedkiisu ahaa wadaxaajoodka u dhaxeeyey labada dal oo looga hadlayey sida xiriirkoodii lagu gaarsiin lahaa heerarkii ugu sarreeyay, korna loo qaadi lahaa iskaashiga ganacsiga ee ka dhaxeeya Turkiga & Qatar.

Xiriirka labada dhinac ayaa horumaray sanadihii lasoo dhaafay, gaar ahaan dhanka Siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, tamarta, warshadaha, waxbarashada iyo arrimaha warbaahinta.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, iyo Madaxweyne Erdogan ayaa shir-gudoomiyay kulankii sideedaad ee “Guddiga Istiraatiijiyadda Sare ee Qatar-Turkish” ee ka dhacay Qasriga Dolmabahce ee Istanbul.

Tan iyo markii la saxiixay bayaanka wadajirka ah ee ku saabsan aasaaska “Guddiga Istiraatiijiyadda Sare ee Qatar-Turkish” dabayaqaadii sanadka 2014, labada dal ayaa kala saxiixdey 95 heshiis iskaashi ah oo taabanayo dhinacyo badan.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee xiriirka ganacsi la leh Qatar, waxaana qiimaha is dhaafsiga ganacsi ee labada dal laga dareemay kobac weyn sanadihii ugu dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM