Ergayga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika oo is-casilaya

Image
Majalada Foreign Policy ayaa sheegtay in ku xigeenka ergeyga, Payton Knopf uu si ku meel gaar ah xilka ula wareegi doono.

NAIROBI, Kenya - Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, David Satterfield ayaa lagu soo waramayaa inuu xilka ka tagayo ka hor inta aan la gaarin bisha Juun ee sanadkan iyadoo gobolka ay hareeyeen qalalaaso siyaasadeed iyo kuwo bini’aadannimo.

Sida laga soo xigtay saraakiil aan la shaacin magacyadooda ayaa sheegeysa in Satterfield uu iscasilayo saddex bilood ka dib markii uu xilka kala wareegay Jeffrey Feltman oo ahaa ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika wax ka yar sannad.

Majalada Foreign Policy ayaa sheegtay in ku xigeenka ergeyga, Payton Knopf uu si ku meel gaar ah xilka ula wareegi doono, iyagoo intaas ku daray in bixitaanka David Satterfield aysan ahayn mid deg deg ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wax yar kahor ku dhawaaqday in Satterfield iyo Knopf lagu wado inay imaadaan Itoobiya Arbacadan, si ay kulamo ula yeeshaan saraakiisha dowladda Itoobiya, wakiillada ururada samafalka iyo saaxiibada diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaan wax faallo ah ka bixin markii wax laga waydiiyay tegitaanka Satterfield. Wararka ku saabsan iscasilaadda Satterfield oo markii ugu horeysay aysoo werisay majaladda Foreign Policy ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dhibaatooyin badan ka dhaceen gobolka.

Colaad in ka badan hal sano ka socotay dalka Itoobiya ayaa dhalisay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ka dhan ah labada dhinac, halka Suudaan ay ka jirto qalalaase dhaqaale iyo mid siyaasadeed, kadib afgambigii bishii Oktoobar ka dhacay dalkaas.

Isbedellada joogtada ah ee maamulka Biden ku sameynayo ergeyga u qaabilsan Geeska Afrika ayaa laga dareemi karaa sida ay uga go’an tahay Mareykanka in uu la tacaalo qalalaasaha siyaasadeed ee geeska iyo meelaha kale ee ka baxsan gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM