Fahfaahin: Qasaaraha qarax ka dhacay Gedo oo korartay

Image

GARBAHAARAY, Soomaaliya - Qarax Isniintii ka dhacay gobolka Gedo ayaa galaaftay nolosha kow iyo toban askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay saddex kale. sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Weerarkan ayaa lala eegtay gaadiid dagaal inta u dhaxeysa magaalooyinka Luuq iyo Doolow, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Cismaan Nuux Xaaji.

Xaaji ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu haleelay gaarigii tiknikada ahaa ee ay ciidamadu la socdeen, kooxda Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyaddiisa. 

Dadka ku dhaawacmay weerarka waxaa ka mid ah Rashiid Bohol oo ah taliyaha guutada 10-aad ee qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna dhaawaciisa ahaa mid fudud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM