Faransiiska: Xijaabka oo laga mamnuucay tartamada Isboortiga

Image

PARIS, France - Aqalka Senate-ka Faransiiska ayaa u codeeyay in la mamnuuco xirashada xijaabka ee tartamada ciyaaraha, iyagoo ku dooday in dhex-dhexaadnimadu ay tahay shardi looga baahan yahay ciyaaraha.

Senate-ka ayaa goor dambe oo Salaasadii ah u codeeyay in wax laga beddelo sharci la soo jeediyay oo dhigaya in xirashada "calaamadaha diineed ee muuqda ay mamnuuc tahay" inay ka qayb qaataan munaasabadaha iyo tartamada ay abaabulaan xiriirada isboortiga.

Marka loo eego macno ahaa, Senatarada ayaa si cad u sheegay in wax ka bedelka looga golleeyahay in la mamnuuco "xiridda indho-shareerka ee tartamada isboortiga".

Sharci-dejiyeyaasha ayaa waxa ay intaa ku dareen in xijaabku ay khatar gelin karaan badbaadada ciyaartooyda niqaabka xiran marka ay ku guda jiraan ciyaaraha kala duwan.

Wax ka bedelka, oo ay soo jeedisay kooxda garabka midig ee Les Republicains kana soo horjeedaan dowladda Faransiiska, ayaa lagu ansixiyay 160 cod halka 143 ay ka soo horjeesteen.

Guddi ka kooban xubno ka kala socda Guurtida iyo Aqalka Hoose ayaa la sameynayaa si ay uga heshiiyaan wax ka bedelka ka hor inta aan la daabicin, taas oo macnaheedu yahay in wax ka beddelka weli la tirtiri karo.

Ma cadda in mamnuucistaasi lagu dhaqan gelin doono ciyaaraha Olombikada Paris ee 2024-ka. Guddiga qabanqaabada Olombikada ayaan wali ka jawaabin codsi ku saabsanaa in ay mowqifkoodda caddeeyaan.

Faransiiska oo ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan qaaradda Yurub ayaa haddana waxaa si joogta ah loogu beegsadaa Muslimiinta taasoo sarre u qaadey weeraradda ku saleysan diimaha iyo naceybka bulsho gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM