Gabadh uu dhalay nin halyeey ah oo dacweysay Maraykanka

Image
Hay’adaha dacwadda lagu soo oogay ayaa kala ah CIA, FBI iyo Laanta Booliiska New York ee NYPD loo garan ogyahay.

WASHINGTON, USA - Gabadh uu dhalay halyaygii dadka Madoow Malcom X ayaa dacwad kusoo oogtay seddex ka mid ah hay’adaha amniga Maraykanka iyada oo ku eedeynaysa in ay door ku lahaayeen dilkii aabaheed oo dhacay sanaddii 1965-tii, xilligaas oo uu si weyn ugu ololeynayay xuquuqda dadka madoow.

Gabadhan oo lagu magacaabo Ilyasah Shabazz ayaa kaashanaysa garyaqaanka xuquuqda aadanaha ee Ben Crump, waxayna dalbanayaan in dowladda Maraykanka ay bixiso magdhow dhan $100 milyan oo doolar, sida ay shir kjaraa’id ka sheegeen.

Hay’adaha dacwadda lagu soo oogay ayaa kala ah CIA, FBI iyo Laanta Booliiska New York ee NYPD loo garan ogyahay.

Gabadhan oo ay illini ka qubanayso ayaa tiri "Muddo sanooyin ah qoyskeena waxa uu u halgamayay in runta dilka banaanka timaado, waxaanan rajaynayaan in aabaheen uu helo caddaalada uu mudanyahay".

Shabazz oo ay dhinaceeda joogeen qareeno iyo xubnaha qoyskeeda ayaa waxay intaas ku dartay in dacwadani ay ka jawaabi doonto su’aalo aanan horey looga jawaabin.

Dilalkii dhacay lixdanaadkii ee hoggaamiyeyaasha madoowga ayaa si weyn loogu tuhmaa in ay ka dambeeyeen hay’adaha amniga ee Maraykanka sida FBI-da.

Arrintan ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii sanadkii hore la siidaayay labo nin oo loo xukumay dilka Malcom X, islamarkaasina la siiyay min $36 milyan doolar oo looga magdhabayo in dambi aysan galin ay xabsi u muteysteen.

Garyaqaanka ayaa ku doodaya in dowladda ay qarisay caddaymo muhiim u ahaa kiiska, sidaasina ku qaadanayso eedda ah kaalintii ay ku lahayd dilka. Wuxuu qorsheynayaa in uu waraysi la duubayo la yeesho saraakiil dowladda ka tirsan.

Malcom X ayaa afhayeen u noqday dhaqdhaqaaqii Nation of Islam oo ahaa urur dad muslimiinta ay leeyihiin oo u doodayay xuquuqda dadka Madoow ee Maraykanka.

Balse 1964-tii ayay kala aragti duwanaadeen madaxdii Nation of Islam iyo Malcom X, taas oo horseedday in hanjabaado khaarijin ah. Talmadge Hayer oo ka tirsanaa Nation of Islam ayaa maxkamad ka hor qirtay in uu isaga ku lug lahaa dilka Malcom X, hawshana ay la fuliyeen xubno kale oo ururkaasi kawada tirsanaayeen. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM