Gabdha Guardiola oo taageero u muujisay Falastiin

Image

LONDON - Gabadha uu dhalay tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku daabacday barteeda Instagram dhowr qoraal oo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah Qasa.

Maria Guardiola ayaa daabacday fariin dheer oo ay soo dhigtay barteeda Instagram-ka, taas oo ay la yaabtay aamusnaanta bulshada caalanka xilli ay dhimanayaan tiro badan oo Falastiiniyiin ah.

Farriintan ayaa ku xusneed, “Run ahaantii tani ma waxa aan sameyn doono hadda? Fadhiiso oo daawato xasuuq ka dhacaya telefishanka?"

Waxay intaas raacisay, "Intee in le'eg ayay tahay in tirada dhimashada Falastiiniyiitu gaarto si aan kor ugu qaadno codkeena? 10,000? 100,000? 1 milyan?"

Waxay ku soo gabagebeysay, “6 kun oo bambaanooyin ayaa lagu tuuray 6 maalmood gudahood... Waa xasuuq baaxad leh oo aanan weligey arag inta aan noolahay."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM