Gaza: Ciidamadda Yahuuda oo hareereeyay saddex isbitaal

Image
Afar Falastiiniyiin ah ayaa Talaadadii lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil.

DOOXA, Qadar - Afar Falastiiniyiin ah ayaa Talaadadii lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil intii lagu jiray duqeyn ay Yahuuda ku qaadday magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Jenin iyo xeradeeda qaxootiga.

Wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta iyo wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA ayaa shaaca ka dhigay in laga cabsi qabo in khasaaraha dhimashada uu intaas kasii bato.

Hal qof oo kale kaasoo la aaminsan yahay in uu shacab yahay ayaa ku dhaawacmay weerarka ka dhacay xaafadda Al-Sibat ee magaalada Jenin, sida ay sheegtay WAFA.

Agaasimaha isbitaalka Jenin kaasoo si weyn xudun ugu ahaa dhacdooyinka iska-caabinta Yahuuda ayaa u sheegay wakaalada in Falastiiniyiinta si toos ah loo beegsaday.

Ciidamada Israa'iil oo ku doodaya in ay wadaan howlgalo ay isku-difaacayaan ayaa ku hareeraysan saddex isbitaal oo aagga ku yaalla, sidda ay raacisay WAFA.

Weerarkan ka hor, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 275 Falastiiniyiin ah lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto tan iyo weerarkii 7-dii Octobar ee Israa’iil ay ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ee ka howlgala Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM